Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo jooga Nairobi ayaa 30kii Maarso ka qeybgalay
shir aad iyo aad u mihiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey oo lagu
qiimeynayey waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo soo afjaridda
xilliga kala guurka ah.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn Pascoe oo ah ku xigeenka Xoghayaha
Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda iyo wafdi uu hoggaaminayey. Sidoo kale
kulankan waxaa ka soo qeybgalay Alexander Rondos oo ah Ergeyga gaarka ah ee
Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ku sugan
Nairobi. Shirkan ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo
Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Ugu horreyntii waxaa kulanka khudbad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo warbixin dheer ka siiyey ka soo
qeybgalayaasha horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhaqangelinta Roadmapka
oo uu sheegay in Soomaalidu ay ka go’antahay soo afjaridda xilliga kala guurka
ah, sheegayna in 6dii September madaxda Soomaalida ay illaa iyo hadda si wadajir
ah oo midnimo leh ay uga wada shaqeynayaan dhameystirka dhammaan qeybaha
Roadmapka. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in qeybaha ugu muhiimsan Raodmapka
oo ku xiran in xilliga kala guurka la soo afjaro ay yihiin qeybta labaad ee ka
kooban dhameystirka dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka oo uu sheegay inay
labadooduba muhiim u yihiin sidii loo heli lahaa Dowlad rasmi ah oo ay
Soomaaliya yeelato bisha August. Ra’iisul Wasaarahu waxuu xusay shirkii Galkacyo
ee 26kii Maarso in madaxda Soomaalidu ay isla garteen in la dedejiyo
dhaqangelinta sidii loo soo xuli lahaa xubnaha golaha ansixinta dastuurka oo uu
sheegay inay noqon doonaan kuwo matala Soomaalida qeybaheeda kala duwan sida
dumarka, dhalinyarada, culmaa’udiinka, madaxda dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo
dhammaan qeybaha bulshada. Waxuuna sheegay in 825 laga dhigay xubnaha golaha
ansixinta dastuurka oo lagu saleeyey habka awood qeybsiga ee 4.5 tanoo sahleysa
sidii si fudud loogu qeybsan lahaa lehna habraac hore.
Ambassador Mahiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey warbixinta
tifatiran iyo sida ay Soomaalida uga go’antahay soo afjaridda xilliga kala
guurka ah. Ambassador Mahiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay soo
dedejiyaan dhaqaalihii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ka mid yihiin
soo xulida iyo isu keenista golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulida xubnaha
baarlamaanka cusub.
Lynn Pascoe oo isna goobta ka hadlay gunaanadkii ayaa sheegay inuu ku
faraxsanyahay sida uu shirka u dhacay iyo sida saraaxadda leh ee looga dooday
arrimaha muhiimka ah. Waxuuna sheegay in uu ku laaban doono New York isla
markaana ka howlgali doono sidii loo Soomaaliya looga saacidi lahaa dhameystirka
xilliga kala guurka ah iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka.