Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay


soodhoweyn.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay kasoo qaybgaleen shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta uga socday magaalada Baqdaad ee waddanka Ciraaq.

Madaxweyne Shariif oo ay safarkiisa ku weheliyeen wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka maaliyadda iyo xubno kale ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhoweeyey guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubna ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo magaalada Baqdaad kaga qaybgalay shirkii waddamada Carabta ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxdii Carbeed ee shirka kasoo qaybgashay, sidoo kale madaxweynaha ayaa qudbad dheer shirka ka jeediyey taasoo uu uga warramay guud ahaan xaaladda dalkiis iyo sida loogu baahan yahay gacan ay walaalaha Carbeed ka geystaan dib u dhiska Soomaaliya.




Add New Comment