Wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal cusub oo la magacaabay


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta magacaabay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeen iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Munaasabadda magacaabista xubnahan cusub ee ku soo biiray Golaha Wasiirrada ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Madaxweyne Sheekh Shariif, Raiisul-wasaare Farmaajo, xubno ka tirsan labada gole ee DKMG ah ee Soomaaliya, ayadoona gebgebadii halkaa laga aqriyey magacyada wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha cusaub ee ku soo biiray golaha.

Magacyada xubnaha cusub waa sidan :

  1. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta.
  2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
  3. Mudane Feysal Cumar Guuleed  wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
  4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
  5. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
  7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.
  8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
  10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.


Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo.


Add New Comment