Ra'iisul-wasaare Saacid oo maanta booqday gobolka Shabeellaha Dhexe


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi ka kooban golayaasha dowladda ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shab/Dhexe.

Ra'iisul-wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa waxa si weyn Jowhar ugu soo dhoweeyey maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidanka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Jowhar iyo degaannada ku xeeran.

Xubanaha ra'iisu-wasaaraha socdaalkiisa ku weheliya ayaa waxa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ra'iisul wasaare Saacid oo ku safray dhinaca dhulka ayaa intii uusan gaarin magaalada Jowhar sii maray degmada Balcad ee isla gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo si weyn ay ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiinta maamulka degmada iyo dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay soo dhoweynta mas'uuliyiinta dowladda.

Safarka ra'iisul-wasaaraha ayaa waxa la xiriiraa booqashooyinka uu maalmahan ku marayey gobollada dalka ee uu ugu kuurgalayey xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobollada iyo sidii uu wada tashiyo ula yeelan lahaa mas'uuliyiinta iyo dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka.

Socdaalk raysul wasaare Shirdoon ayaa qeyb ka ah socdaalka uu ugu magaca-daray ‘Socdaalka Dhageysiga’ ee uu ku marayo qeybo ka tirsan dalka, si uu ugu kuurgalo xaaladaha ka jira gobollada.

Daawo sawirrada

JowharB.jpg

Add New Comment