Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa habeenimadii xalay la kulmay Sheekh Maxamed Bin Zaayid Aal Nahyaan oo ah ninka leh dhaxalka madaxweynenimo ee dalkaasi.
Labada mas'uul ayaa waxa ay kulankooda iskula soo qaadeen sidii loo hormarin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadku ay gacan uga geysan lahayd nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Waxa kulankaasi dhinaca Soomaaliya uga qaybgalay raisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Adam, wasiirka maaliyadda mudane Maxamud Xassan Suleymaan,wasiiru-dowlaha madaxtooyadda mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda mudane Maxemed Nuur Gacal iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaraadka mudane AbdulKadir Shiiqeey Al-Hatimi.
Shirkan ayuu Madaxweynaha wuxuu ka hadlay horumarka laga gaaray xagga amniga, iyo nabad gelyadda laga dareemayo gobollo kala duwan ee ka tirsan dalka.” Waxaan u baahanahay in aan sii hagaajino amniga, anaga oo isla markaasna dib u habeyn rasmi ah ku samyneyno hey’adaha kala duwan ee qaabilsan amniga. Ciidamadeena hadda waxaa u socda tababaro mar dhawna toos ayey u gudan doonaan wajibkooda laga sugayay.”