Augustin Mahiga oo Muqdisho u yimid xallinta khilaafaadka madaxda DKMG ee Soomaaliya


Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga ayaa maanta booqasho aan horey loo sii sheegin ku soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib muran beryahan ka dhex jiray madaxda sare ee DKMG ee Soomaaliya.

Mr. Mahiga ayaa isla markii uu kasoo degay gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde si toos ah waxa uu ugu sii gudbay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, halkaasoo uu wadahadallo toos ah oo ku saabsan arrinta xilli kordhiska ay xukuumaddu dhowaan ku dhawaaqday uu kula yeeshay madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa sidoo kale la filayaa inuu kulan kaas la mid ah uu si gaar ah ula yeelan doono Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.

Booqashada Mahiga ayaa waxa ay la xiriirtaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaana sidoo kale la doonayaa in wax lagaga qabto waqti kororsiga Barlamaanka iyo xukuumadda ee ay beesha caalamku ka biyo-diidantahay.

Add New Comment