Sida ay kuwaramayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha
Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo Jabuutiyaan ah oo qayb ka ah Ciidadamada
AMISOM ay maanta gaareen deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka
Galgaduud.
Ciidamadani oo ka baxay Magaalada Baladweyne ee
Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa socod dheer ku maray inta u dhexeysa Magaalada
Baladweyne iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Ciidamadani ayaa waxaa si weyn loogu soo
dhaweeyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyadoona ay si weyn halkaasi ugu
soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Galgaduud oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka
Axmed Yuusuf Xasan iyo Odayaasha dhaqanka Degmada Guriceel iyo weliba qaybaha
bulshada Kunool Degmadaasi.
Intaasi kadib ayaa Ciidamadu waxa ay u amba
bexeen Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoona safarka ay
uga Amba bexeen Degmada Guriceel uu ku wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud
iyo Xubno ka tirsan Gobolkaasi.
Saraakiisha iyo Ciidanka Jabuuti iyo weliba
Maamulka gobolka ayaa daqiiqada ka hor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka
Galgaduud halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada
ku nool Magaaladaasi.
Ciidanka Jabbuuti ayaa fariisimo ka sameystay
Kontaroolada laga soo galo Magaalada Dhuusamareeb iyadoona Saraakiisha Ciidanka
Jabuuti ay kulamo la qaadanayaan qaybaha Bulshada Magaaladaasi kuwaasi oo ay
kala hadlayaan sidii ay kala qayb qaadan lahaayeen sugida Ammaanka Magaalada
Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.