Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
(Saacid) iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay ayaa galabta dib ugu soo
laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa uuna warbaahinta uga
warbixiyay natiijada wadahaladii Kismaayo iyo kulamadii kale ee uu la qaatay
qeybaha bulshada ee Kismaayo.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay natiijada wadahaladii Kismaayo ayaa
yiri.
“Mudadii koobneyd ee aanu joognay Kismaayo waxaanu ka gun gaarnay ujeedadii
safarka yaga, waxaana si dhab ah u dhegeysanay una ogaanay xaaladda dhabta ah ee
dadkeena, waxaanu gaarsiinay fariinta dhabta ah ee ay dawladu u waday, waxaana
ogaanay in dadka iyo dawladda xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo, raalina ka yihiin
imaatinka dawladda” ayuu yiri wuxuuna xusay inay ku camal fali doonaan
dhaqangelina doonaan fariimaha shacabka.
Maamulka Kismaayo
“Si kooban hadaan u taabto waxyaabihii aanu ku soo aragnay, Kismaayo waxaan
ka jira maamul si deg deg ah loo sameeyey, markii dadkii nabadiidka ahaa laga
saaray, waana u kuurgalnay, waxaana la shaakeystay guddoomiyaha iyo
kuxigeenkiisa, sida uu u dhisan yahay iyo waxyaabo badana waan u kuurgalnay,
waxaana noo soo baxday inuu u baahan yahay in muddo gaaban gudaheeda si
dhameystiran dib loogu eego, raali ayaanse ka nahay” ayuu mar kale yiri isaga oo
ka hadlayay dhanka maamulka.
Shirka Kismaayo
“Waxyaabaha kale ee aanu ku soo aragnay Kismaayo, waxaa ka mid ahaa,
shirweyne ka socda Kismaayo oo ay qaban qaabiyeen dad Soomaaliyeed oo runtii
iskood u dadaalay, shirweynahaas danta ay u qal qaaliyeen markii aanu
dhegeysanay waxay noogu sheegeen inay ku dhisaan maamulka Jubba land oo
mustaqbalka la filayo, runtiina waan u kuurgalnay waanu dhegeysanay, dabcan
waxaan bogaadineynaa marka dhibaato timaado qaabka loo wajahayo inay tahay qaab
dadka ka bilowda, kana tashado aayahooda, hase yeeshee waxaan si cad ugu
sheegnay dadweynaha iyo madaxda Kismaayo qaarkood, in xalka laga doonaa dadka
gudihiisa ay qumantahay.
“Qaabka shirka loo diyaarinayay in aysan waafaqsaneyn sida maamul
goboleedyada aanu fileyno in Soomaaliya oo dhan ay ka sameysmaan sidii loogu
tala galay, marka aan sidaasi leeyahay, waxaan uga danleeyahay, marka la
sameynayo maamul goboleedyada, waxaa iska leh hogaaminta Dowladda, iyada ayaana
iska leh xaqiijinta sida loogu dhanyahay, laakiin go’aan ka gaarida dadka ayaa
iska leh” ayuu yiri R.wasaaraha oo intaasi raaciyay.
“Shirkaas waxaa ka maqnaa wax badan oo ay ka mid tahay shuruuc, dawrkii
dowladda iyo xaqiijinta” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in shirkani ay
qeyb ka yihiin dad wanaagsan oo dowladnimo doonaya, balse aysan qaabkan aheyn
sida lagu gaari karo xalka.
“Shirkaas waxa ka soo baxaya ma noqon doono mid gaarsiiya shacabka maamul
rasmi ah oo la aqoonsado, maadaama bilowgiisa uusan waafaqsaneyn Dastuurka”.
“Waxaan soo jeedinay in shirkaasi lagu wareejiyo dawladda, si ay u waafajiso
talaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari karo dawlad goboleed, muddo inta ay ka
saxmayaan shuruudahana loo badalo shirka dib u heshiisiin, maadaama taariikhda
gobolada Jubbooyinka la fiiriyo dadku u baahan yahay dib u heshiisiin dhab
ah”.
“Maanta markii aan soo tagaynay, waxay maamulku codsadeen in la siiyo muddo
saddex berri gudahood ah ay jawaab cad bixin doonaan, laakiin anigu markaan
eegay duruufaha faraha badan ee muuqda, waxaan soo jeediyay in xittaa 20 cisho
haddii ay qaataan in aysan dhib aheyn, laakiin iyagaa qabsaday saddex cisho
waana ka dhursugeynaa” ayuu yiri R.wasaare Saacid.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kismaayo jooga
“Kismaayo waxaan ku soo aragnay qeybo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed, oo qeyb weyn ka qaatay sidii looga sifeeyay nimankii caddowga ahaa
ee heysan jiray gobolka, runtiina waxay ku noolyihiin duruufo adag, muddo
dheerna aanan wax mushaaraad ah qaadan, aadbaana ugu heynaa qalbi wanaagsan,
duruufta ay ku shaqeeyeen mid aad u adag ayayna aheyd, waxaana jecelnahay inaanu
uruurino, una fududeyno sida ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen”.
Ciidanka AMISOM ee Kismaayo
“Kismaayo waxaa jooga ciidanka AMISOM, oo qeyb ka qaatay xoreynta goboladaas,
isaga oo kaashanaya ciidamadeena, waana u mahad naqeynaa, joogistoodana waa dawr
loo baahnaa, waxna kama qabno inay maamulkaasi la sii shaqeeyaan, inta uu ka
imaanayo maamul sal balaaran”.
Dadka reer Kismaayo
“Waxaan rabaa inaan cadeeyo, inaanu maqsuudka nahay sidii Kismaayo naloogu
soo dhoweeyey, iyo sidii naloo soo sagootiyay, waxaana noo xaqiiqowday in dadka
Kismaayo ku nool oo duruuf adag iyo taariikh dagaal sokeeye soo maray inay
diyaar u yihiin inay dawladdooda daba istaagaan oo ay qeyb ka qaataan horumarada
socda”.
Ugu dambeyntiina, ra’iisal wasaaraha ayaa xusay inuu sii wadi doono safarada
ay xukuumadiisu ku kala bixineyso gobolada dalka, si ay ugu kuurgalaan
xaaladdaha nolol, siyaasad, amni, dhaqaale iyo horumar ee bulshada
Soomaaliyeed.
Daawo sawirrada