Nin dhashay dalka Britain oo laga masaafuriyey dalka Soomaaliya


Nin heysta dhalashada dalka Britain, laguna magacaabo Clive Denis ayaa maanta laga masaafuriyey magaalada Muqdisho, kaddib markii dhowaan lagu qabtay garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka ee Soomaaliya Gen.Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegey in ninkan oo muddo laba maalmood u xirnaa ciidamada booliska, baaritaan kaddib la go'aamiyey in dalka laga masaafuriyo.

Ninkan ayaa markii booliska ay weydiiyeen inuu caddeeyo ujeeddada socdaalkiisa, waxaa uu sheegey inuu u socdo dadka Muslimka ah, balse muusan carabaabin meesha rasmiga ah ee uu u socdey.

Warar horey u soo baxay oo sheegaya inuu Kismaayo u socdey, ayaa waxaa beeniyey mas'uuliyiinta Somalia.

Taliyaha ayaa intaa ku darey in ninkani aanu ahayn dalxiise, isla markaana uu sitey oo keliya cajalado ilaa laba boqol ah, iyo lacag aan dhameyn 3 dollar.

Ninka oo sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, magaciisa la yiraahdo Clive Denis, , ayaa waxa uu sheegay inuu u socday dadka muslimiinta ee Soomaaliya.

Ninkan ayaa markii hore ka soo duuley Britain, kadibna Nairobi, halkaas oo uu ka raacey diyaarad ku soctey magaalada Muqdisho.


Add New Comment