Madaxweyne Shariif Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo U Dhoofay Ciraaq


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa duhurnimdii maanta ka dhoofay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Ciraaq.

Wasiirudowlaha madaxtooyada C/raxiim Cabdi Abuukar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweynaha ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxa uuna Baqdaad kaga qeybgeli doonaa shirka waddamada jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la filayaa in uu kalan la qaato dhiggiisa dalka Ciraaq iyo madaxda kale ee ka qeybgeleysa kulankaasi sida uu sheegay Wasiirudowlaha madaxtooyada.

Maxamed Jaamac Cali Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgeli doono Shir Madaxeedka Waddamada Jaamacadda Carabta oo berri ka furmidoona Baqdaad, waxaana shirkaasi looga hadli doonaa ayuu yiri arimaha Soomaaliya oo shirka kaga jirta ajandaha Sadexaad.


Add New Comment