Dr. Cabdiqaasim Salaad oo soo dhoweeyey shirka lagu qabanayo gudaha dalka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa soo dhoweeyey shirarka siyaasadeed ee ay Soomaalidu ku yeelanayaan gudaha dalkooda ee ay kaga wada xaajoonayaan masiirka dalkooda iyo dadkoodaba.
Dr. Cabdiqaasim ayaa sidoo kale soo dhoweeyey howlgallada ay ciidamada Dowladda KMG ahi a wadaan qaybo ka mid ah dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay adkeeyaan dadaallada lagu doonayo in dalka lagaga hirgeliyo dowlad xooggan, asagoona intaa kaddib ummadda Soomaaliyeedna u rajeeyey nabad waarta iyo horumar.
Madaxweynihii hore ee TNG-da waxa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii dhowaanta ku timid madaxweynihii hore ee TFG-da marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sidoo kalena tacsi gaar ah u diray eheladii marxuumka.
Hadalka Dr. Cabdiqaasim ayaa waxa uu ku soo beemayaa ayadoo shirarkii u dambeeyey ee laga yeeshay arrimaha Soomaaliya ay ka kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Gaalkacyo oo dhammaantoodba ah magaalooyin Soomaaliyeed.
Add New Comment
|
|
|