Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay garoonka dayaaradaha ee magaaladda Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayaaradaha kaga hortagay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne fara badan oo ay wejiyadoodu ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inay kulan kula yeeshaan mas'uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi, sidoo kalena madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa inuu dadweynaha reer Cadaado kula hadlo meel fagaare ah.

Wararka kasoo kordha safarka madaxweynaha kala xiriira www.SilGor.com

Add New Comment