Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, ahna ku-simaha Ra'iisul-wasaaraha mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo ay la socdaan mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta kormeer howleed Ku tagay dekedda magaalada Muqdisho.
Sababta kormeerka wasiirka ayaa waxa ay ka dambeysay qilaaf soo laablaabtay oo maalmahanba ka dhex taagnaa maamulka dekedda iyo xoogsatada muruqmaalka ah ee halkaasi ka xamaasha.
Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa ugu horreyntii soo kormeeray qaybaha ay ka kooban dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, kaddibna waxa uu dekedda dhexdeeda kula hadlay shaqaalaha xoogsatada ah ee xoogooda kaga shaqeysta dekedda, asagoona u sheegay in xukuumaddu ay ka warheyso cabashada xoogsatada ayna wax ka qaban doonaan, dhanka kale nin ku hadlayey magaca xoogsatada ayaa wasiirka uga warbixiyey arrimaha kala dhexeeya maamulka dekedda ee dhaliyey muranka faraha badan.
Muranka ka dhex taagan maamulka iyo xoogsatada dekedda ayaa ah mid soo noqnoqday oo maalmihii ugu dambeeyeyna ay hadal-heyntiisu ku badneyd warbaahinta Soomaalida iyo dadka ku nool magaalada Muqdishowba.