Xaaladda deegaannadii ay shalay la wareegeen ciidammada ASWJ ayaa saakay deggan,
iyadoo ciidammada ASWJ ay degmada Ceelbuur ka wadaan baaritaanno iyo howlgallo
ammaanka lagu xoojinayo.
Guddoomiya Fulinta Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekha Maxamed
Yuusuf Xeefoow ayaa Radio Muqdisho u sharraxay xaaladda degmada Ceelbuur iyo
sida maanta xaalku yahay, waxa uuna sheegay in xaaladda degmada ay deggan tahay
isla markaana shacabka ay muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in dulleysigii
Shabaab laga dul qaado.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidammada ASWJ ay wadaan baaritaanno iyaga
oo kaashanaya ciidammada Itoobiya, isagoo intaa raaciyay in baaritaannada ay bar
bar socdaan howlgallo ammaanka lagu xoojinayo, si loo illaaliyo amniga shacabka
degmada Ceelbuur.
“Khawaarijta jab xooggan ayaa ku dhacay, hadda waxaan ku macneyn karaa waa ay
bur burreen, laakin waxaa hubaal ah in aan sidaa uga hari doonin oo uu holwgalku
socon doono inta la sifeeyo guud ahaa Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha fulinta
ASWJ.
Dhinac kale Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka
ku nool guud ahaan gobolka Galgaduud ay u bislaadeen nabadda iyo dowladnimada
isla markaana aysan oggollaan doonin Gumeysigii Shabaab in uu mar kale dib ugu
soo laabto, “aniga waan ku boorrinayaa shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimada
Soomaaliya iyo nabadgalada deegaanka. ayuu ku soo gunnaanuday.