Burundi iyo Uganda oo qorsheynaya inay soo diraan 4000 askari oo dheeraad ah

Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalalka Uganda iyo Burundi ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay labadaasi dal ku diyaarinayaan ciidamo dheeraad ah oo ay tiradoodu gaareyso 4000 oo askari kuwaas oo lagu xoojin doono ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.       

Taliyaha ciidamada Burundi S/Gaas Godefroid Niyombare iyo Taliyaha ciidamada Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen maalinnimadii sabtida waxa ay ku sheegeen in min 2000 askari oo dheeraad ah u soo diri doonaan Soomaaliya, ayadoo Burundi ay toddobaad ka hor sheegtay inay gudaha magaalada Muqdisho soo gaareen 1 batalyan oo ciidamadeeda ah.

Waxa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in ciidama 8000 ah ee hadda ku sugan Muqdisho ay horumar ka sameeyeen dagaalladii ugu dambeeyey ee ay magaalada kula galeen xoogagga kasoo horjeeda jiritaanka  Dowladda iyo joogitaanka AMISOM ayna hadda gacanta ku hayaan 60% magaalada.

Dagaallada iyo xasillooni-darida ka jirta Soomaaliya ayaa haatan 20 sano jirsatay, kaddib markii ay sanadii 1991-dii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayadoo jabhadihii rideyna ay midba midda kale kasoo horjeesatay.


Add New Comment