DKMG oo xirtay Agaasimaha iyo madax wararka Shabelle


Ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay Agaasimaha iyo Madaxa Wararka Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyadoo amarka Su’aalaha lagu weydiinayay ay horay u bixisay Wasaarada Warfaafinta.

Agaasimaha Idaacada Shabelle C/rashiid Cumar Qasse iyo Madaxa Wararka Shabelle Cabdi Max’ed Ismaaciil Cabdi Cuud ayaa xabsiga waxaa maanta dhigay ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya.

Agaasimaha iyo madaxa wararka ayaa waxaa u yeeray taliska ciidamada nabad sugida iyagoo u sheegay in ay Su’aalo ka weydiinayaan war horay uga baxay shabakadda Warbaahinta Shabelle balse markii ay tageen xarunta nabad sugida ayaa xabsiga loo taxaabay Agaasimaha iyo madaxa wararka Shabelle.

Waxaa jiray warqad 24-kii bisha hay’adda nabad sugida gobolka Banaadir ay soo gaarsiiyeen xarunta Shabelle taasi oo loogu yeerayay Maalinta Sabtiga ah madax wararka hase ahaatee wadahadalo kadib ayaa waxaa la balamay in maalinta ay wada kulmaan masuuliyiinta nabad sugida iyo Maamulak Shabelle.

Hase ahaatee markii Agaasime Cabdi Rashiid Cumar iyo Cabdi Max’ed Ismaaciil Cabdi cuud ay tageen xaruntaasi ayaa waxaa loo sheegay in ay xarig yihiin, iyadoo ilaa iyo hadana aan la ogeyn waxyaabaha lagu heysto.

Wasaarada warfaafinta ayaa horay waxa ay amar ugu siisay hay’adda Nabad sugida ee dowladda KMG in ay Su’aalo ka weydiiso madaxda Wararka Shabelle war ka baxay 22-kii bishaan Idaacada Shabelle oo ku aadanaa in Madaxweyne Shariif ay u suura gali weysay in uu booqdo fariisimo ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al Shabaab kadib markii halkaasi weerar rogaal celis ah ay ku soo qaadeen ciidamada Al Shabaab.

Wixii ka dambeeyay markii warkaasi ay baahisay Shabelle ayaa waxaa jiray dabagal hay’adda nabad sugida ay ku heysay Shabelle, waxaan markii Maamulak Shabelle ay u cadeeyeen warkaasi i uu ahaa mid xaqiiq ah ay maanta xireen Agaasimaha iyo madaxa wararka Shabelle.

Majiro wali masuul ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay xariga ciidamada nabad sugida ay kula dhaqaaqeen agaasimaha iyo madaxa wararka Shabakadda warbaahinta Shabelle iyadoo walina ay gacanta ugu jireen ciidamadaasi.



Add New Comment