Madaxda Dowladda KMG ee Soomaaliya oo gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee kala qaybgalay aaskii madaxweynihii hore marxuum Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo ayaa u soo gudbay qaybta koonfureed ee magaaladaasi oo xarun u ah maamul-goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda oo ay ka mid yihiin ra'iisul-wasaare Cabdiweli M. Cali, guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubno ka tirsan xukuumadda KMG ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Hotelka Embassy ee koonfurta Gaalkacyo, waana markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Shariif gaaro xarunta maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug, qaybaha bulshada ayaa ka qaybqaadanaya munaasabadda lagu soo dhoweynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana weli Hoteelka Embassy ka soconaya salaamo iyo hadallo ay jeedinayaan waxgaradka halkaas ku sugan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee maanta ay waqooyiga isla magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalaan shir lagaga wadahadli doono dhammeystirka qorshaha loo yaqaano Roadmap-ka iyo dastuurka dalka.

Booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku marayaan maamullada dalka ayaa u muuqaneysa mid guul ah oo u soo hooyatay Dowladda KMG, taasoo haatan la dheehan karo in ismaamul-goboleedyo iyo gobollo fara badan oo muddooyinka dambe ku soo laabtay gacanta dowladda ay ka dhigan tahay in dowladdu ay hadda ka taliso dhul baaxad weyn oo qayb ka ah gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya

Add New Comment