Meydka Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo lagu aasay magaalada Gaalkacyo

Waxaa maanta magaalada Galkacyo lagu aasay meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayadoona aaskiisii ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda sare ee Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Intii aan meydka Col. Cabdullaahi Yuusuf loo qaadinAaska_cabdulahi.jpg Gaalkacyo ayaa marka hore dayaarad lagaga keenay dalka Imaaraadka oo uu 2 maalmood ka hor ku geeriyooday, waxaana lagu soo hormariyey garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho oo  loogu qabtay munaasabad heer qaran ah oo lagu weyneynayey geerida madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo ay ka qaybgaleen madaxweyne Sheekh Shariif, ra'iisul-wasaare Cabdiweli Gaas iyo mas'uuliyiin sare oo ka tirsan golayaasha dowladda.

Waxaa kale oo aaska madaxweynihii hore ka qaybgalay mas'uuliyiin ka kala socday maamul-goboleedyada Puntland, Galmudug iyo xubno ka socday Ahlu Sunna, iyo dadweyne fara badan.

Si kastaba ha ahaatee aaska heerka qaran ah ee loo sameeyey Alle ha u naxariistee Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa si heer sare ah ku soo dhammaaday, waxaana weli la wadaa abaabullo tacsi loogu dhigayo geerida madaxweynihii hore oo ka dhici doonta dhammaanba degaannada maamulka Puntland.

Add New Comment