Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xalay Kormeeray Inta Badan Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir

kormeerB.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kormeeray intabadan saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo kormeerkaasina uu qeyb ka yahay kormeerro uu Madaxweynuhu habeennadii lasoo dhaaafay ugu kuur galayey sida ay Ciidammadu u sugaan ammaanka Caasimadda.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kormeerkiisa oo uu ku wehlinayey Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini waxa uu si rasmi ah u bilaabay abaare 01:30AM waqtigtida magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tagay isgoyska Ceelgaabta oo isagu kala bara degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamarweyne halkaasi oo uu ku arkay Ciidammo waqtigaasi gudanayey Waajibaadka loo igmaday.

Kadib isgoyska Ceelgaabta waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed tagay saldhiga Afar irdoodka degmada Xamarweyne halkaasi oo uu Madaxweynuhu warbixin kaga dhageystay Taliyaha qeybta Bartamaha oo isagu ka warbixiyey qaabka xiligan ay Ciidammadu u shaqeeyaan waxaana saldhigyada kale ee uu Madaxweynuhu kormeeray ay kala ahaayeen:-Saldhigyada degmooyinka Shangaani,C/casiis,Shibis,Kaaraan iyo isgoysyada Juba,Maana booliyo,Kaaraan,Beexaani iyo Boondheere.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu arko Ciidammo booliis ah oo taagan saldhigyadooda iyo isgoysyada Caasimadda waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey Ciidammada iney sii wadaan gudashada waajibaadkooda Shaqo.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kormeerkiisii xalay oo ahaa kii Seddexaad ee xili habeen barkii ah uu ku kormeero qeybo ka mid ah Muqdisho waxa uu soo gabagabeeyey abaare 04:30AM waxaana uu kormeerkani qeyb ka yahay sida uu Madaxweynuhu waqtigan muhiimad gaar ah u siinayo sugidda Amniga.

Add New Comment