Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira gobolka Galguduud
Wararka ka imanaya degaanada ay Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kaga sugan yihiin gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya inuu halkaasi ka soconayo dhaqdhaqaaq ciidan, kaddib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo Ethiopian ah oo la filayo inay gacan siiyaan xoogagga Culimaa'udiinka ASWJ.
Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa soo gaaray ciidamo fara badan oo Ethiopian ah, kuwaasoo ujeeddada ay halkaasi u yimaadeen lagu sheegay inay tahay sidii weerar wadajir ah loogu qaadi lahaa goobaha xoogagga Xarakatul Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka, gaar ahaan degmada Ceelbuur oo xarakadu ay ku leedahay saldhig weyn.
Dhowr jeer oo hore ayey dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerarro kasoo qaadeen degmada Ceelbuur, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay maalmo yar uun ka hor, weerarkaaso Al Shabaab u suurtageliyey inay gacan ku heynta magaalada la wareegaan saacado kooban, inkastoo markii dambe laga soo saaray, magaladuna ay dib ugu laabatay gacanta Culimaa'udiinka ASWJ.
Add New Comment
|
|
|