Midowga Yurub ayaa sheegay in Ciidamo Soomaali ah ay u tababarayaan howlgalka NATO si ay u baacsadaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Kulan ay wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels ee xarunta waddanka Belgium ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhibaatada sii kordheysa ee ay burcad-badeedda Soomaalida ku hayaan marinnada ganacsi ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Wasiirrada reer Yurub ee ku kulmay magaalada Brussels ayaa sheegay in ay tababari doonaan ciidamo Soomaali ah oo ka qaybqaadan doona howlgallada gaashaanbuurta NATO ay kula dagaalamayaan burcad-badeedda Soomaalida.
Ciidamada Soomaalida ah ee loo tababari doono la dagaalanka burcad-badeedda ayaa waxa ay tababarkooda ku qaadan doonaan dalka Uganda, waxaana tababarka siin doona saraakiil ka socota Midowga reer Yurub.
In badan ayey saraakiil fara badan oo Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalinta Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (F.Qare) ku celceliyeen in sida ugu wanaagsan ee loola dagaallami karo burcad-badeedda Soomaalida ay tahay in marka hore la helo ciidamo Soomaaliyeed oo tababaran, qalabkooduna u dhan yahay.