Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xanuunsanayey muddooyinkan dambe.
Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa xilka madaxtinimada Soomaaliya qabtay bishii Oktoobar ee sanadkii 2004-ta, kaddib markii hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Soomaaliya shirweyne loogu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, shirkaas oo socday muddo sanado ah, wuxuuna xilkaasi loo soo doortay iska casilay 4 sanadood kaddib, kaddib markii uu qilaaf xooggan soo kala dhexgalay asaga iyo ra'iisul-wasaarihii berigaa ee uu xilka ka qaaday Mr. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Madaxweynihii hore ee geeriyooday Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa waxa ugu weyn ee lagu xusuusan karo ka mid ah inuu dagaal dheer lasoo galay dowladdii mileteriga ee uu hoggaamin jiray General Maxamed Siyaad Barre, la dagaalankii Ururkii Al-Itixaad, dhisiddii maamul-goboleedka Puntland, qabashadii xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, keenistii dalka uu keenay ciidamadii Ethiopia iyo arrimo kale oo fara badan.