Kulan looga hadlay sidii waddooyin loogu furi lahaa Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Muqdisho oo ka dhacay Muqdisho


Kulan looga hadlayay sidii wadooyin loogu furi lahaa Suuqa Bakaaraha ayaa maanta Muqdisho ku dhexmaray saraakiisha AMISOM iyo Odayaasha dhaqanka Muqdisho, iyadoo wararka hordhaca ah ee kulankaas kasoo baxaya lagu sheegay in la isku af-gartay  in jidad loo furo Suuqa.

Suuqa Bakaaraha oo ah mid ugu weyn Muqdisho ayaa shan toddobaad ah u xirnaa dagaallo jidka warshadaha ku dhexmaray DKMG ah iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xarrakatul Shabaab, iyadoo dadka suuqaas gala ay isticmaalaan waddooyin fog-fog iyo mid yar oo dhexmara degmada Howlwadaag oo mararka qaarkood ay dagaallo ka dhacaan.

Guddoomiyaha odayaasha arrintaan kala hadlay AMISOM Maxamed Xasan Xaad ayaa u sheegay saxaafadda markii kulanku dhamaaday in aad looga dooday sidii suuqa uu u yeelan lahaa waddooyin ay dadka iyo gaadiidka badeecadaha wada maraan, intiisna badanna la isku afgartay.

Afhayeenka golahan nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo toddobaadkii hore la hadlay saxaafadda  Muqdisho ayaa sheegay in suuqa Bakaaraha uu u xiran yahay ciidamada AMISOM, isagoo xusay in Xarrakatul Shabaab ogolaatay in waddooyin loo furo, balse afhayeenka AMISOM ayaa isaguna sheegay in suuqa uusan iyaga u xirnayn.

Kulanka ayaan si dhab ah loo ogeyn wixii kasoo baxay, balse saraakiisha AMISOM iyo odayaasha Muqdisho ayaa labaduba sheegay inay saxaafadda u sharrixi doonaan qodobbadii ay iskula garteen kulankooda.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxay inta badan ku eedeeyaan Xarrakatul Shabaab inay madaafiicda kasoo tuurto gudaha suuqa Bakaaraha oo ay iyadu gacanta ku hayso, waxayna markii madaafiic lagu soo tuuro xarumahooda ya duqeeyaan suuqa Bakaaraha.



Add New Comment