Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka
qeybgalay munaasabad loogu magac daray isdhexgalka Bulshada oo lagu qabtay
xarunta degmada Xamar Jajab ee G/Banaadir.
Munaasabadan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka degmada Xamar Jajab isla
markaana ay ka qeybgaleen bulshada degmadaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa
Madaxweynaha Jamhuuriyada Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo guddoomiyaha G/Banaadir
Ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Madaxweyne Sh. Shariif ayaa halkaasi ka jeediyay hadallo aad u qiimo badan oo
taabanayay dhinacyo kaladuwan, wuxuuna madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka in
ay u astaagaan sidii ay ilaashan lahaayeen amaanka iyo qarannimadooda,
islamarkaana ay muujiyaan isku duubni si looga baxo dhibaatada dalka ka
jirtay.
Sidoo kale madaxweyne Shariif ayaa soo hadalqaaday amaanka Muqdisho isagoo
tilmaamay in Ciidamada Qalabka sida ay wax weyn ka qabteen sugidda amaanka
wuxuuna xusay in dowladdu ay ahmiyadda siineyso xaqiijinta amaanka dalka ayna
ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada ay dalka kaga xoreynayaan kooxda
Alqaacidda.
Munaasabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku wanaajineyso xiriirka
ay la leedahay bulshada Iyadoo barnaamijkan loogu magacdaray isdhexgalka
bulshada hore loogu qabtay degmooyin ka mid ah G/Banaadir.