Saraakiil hordhac u ah ciidamada AMISOM oo magaalada Baydhabo gaaray

Saraakiil ka socota ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta markii ugu horreysay gaaray xarunta gobolka Bay ee Baydhabo, waxaana halkaa ku soo dhoweeyey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuw Ethiopia ee ku wada sugan magaalada.

Saraakiishaan ka socota ciidamada AMISOM gaar ahaan dalalka Burundi iyo Uganda ayaa lagu soo warramayaa inay hordhac u yihiin ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la geynayo gobolladii lagala wareegay ciidamadii Xarakatul Shabaab ee horey uga talin jiray, dhowaantan isaga baxay magaalooyin muhim ah oo ay magaalada Baydhabo ka mid  tahay.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo kuwa AMISOM ee maanta halkaas gaaray ay dhowaan u furmi doonaan wadahadallo ku saabsan sidii labad dhinaca ay isaga kaashan lahaayeen sugidda ammaanka magaalada, kaddib marka ay halkaasi soo gaaraan ciidamo qayb ka ah kuwa AMISOM oo markii ugu horreysay ka howlgeli doona meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Add New Comment