Ciidamada
Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa lagu soo warramayaa inay
dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhuusamareeb oo ay saaka la
wareegeen ciidamada Xarakatul Shabaab, kaddib markii ay weerar gaadmo ah
ku soo qaadeen.
Ciidamada
Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in ayagoo wata gawaarida dagaalka
iyo ciidamo xooggan ay magaalada ka soo galeen dhowr jiho, ayna u
suurtagashay inay gebi ahaanba si nabad ah kula wareegaan gaca ku
heynteeda, sidoo kale ayey wararku sheegayaan in xaaladda magaaladu ay
hadda tahay mid deggan.
Wararka
qaar ayaa sheegaya in magaalada ay ka dhacday bililiqo muddadii
koobnayd ee ay Al Shabaab ku sugnayd, hase ahaatee waxaan weli war laga
heyn inta uu la eg yahay qasaaraha uu geystay dagaalkii saaka (dhimasho
iyo dhaawacba).
Weli
wax war ah kama soo bixin dhinacyada Dhuusamareeb isku fara saaray,
hase ahaatee waxay dadka degaanku xaqiijinayaan in Ahlu Sunna Wal
Jamaaca ay iminka si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada iyo
hareeraheedaba.