Farmaajo “ 90 maalmood ayaan ku soo afjareynaa Shabaab”


Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mudo 90 maalmood gudahood ah ay ku soo afjarayaan dhibaatooyin uu tilmaamay in xarakada AL Shabaab ay ku hayaan dadka Soomaalida.

Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya oo u waramayay Idaacada ku hadasha afka dowlada ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mudo sedax bilood ah oo u dhiganta 90 maalmood ay ku soo afjari doonaan xarakada Al Shabaab islamarkaana ay dalka oo dhan gacanta ku dhigi doonaan.

Farmaajo waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhamaan beesha Caalamku ay indha ku heyso dhibaatooyinka ka socda dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Shirkii dhawaan uu uga qeyb galay Soomaaliya ee ka dhacay New York la isku raacay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Farmaajo, waxa uu xusay in beesha Caalamku haatan ay isku raacday in Soomaaliya la keeno ciidamo kale oo dheeri ah si ay u caawiyaan ciidamada dowladda KMG oo haatan dagaalo ku wajahaya kuwa xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu dhinaca kale carabka ku dhuftay in wadamo badan uu cagta soo marayay islamarkaana uu uga warbixiyay guulaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay ciidamada dowladda KMG in ay sii wadaan howlgalka ay magaalada Muqdisho uga saarayaan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Hadalkaani ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ee ku aadan in mudo 90 maalin gudahood ah ay ku soo afjarayaan Xarakada Al Shabaab ayaa imaanaya xili todobaadkii tagay ay dhamaatay mudo 100 maalin ah oo horay xukuumada KMG u sheegtay in ay wax uga qabaneyso amni darida ka jira Muqdisho, iyadoo walina natiijo buuxda aysan dowladu ka gaarin dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.


Add New Comment