Madaxweynaha JamhuuriyaddaOo Maanta Si Rasmi Ah U Furay Kalfadhiga Labaad Ee Baarlamaanka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib xaflad ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Furitaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka waxaa kale oo ku sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka ayaa kasoo wada qeybgalay Xafladda furitaanka kalfadhiga Labaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow ka bilaabatay dugsiga tababarka Ciidammada Booliiska General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sidoo kale Ra’isulwasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Mudane Muxidiin Maxamed Kaalmooy,Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Mudane Ibraahim Isxaaq Yaroow,Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, safiirro uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo intabadan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga Labaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay diblumaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, maamullada iyo macalimiinta jaamacadaha Dalka qaarkood, marti sharaf ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo fanaaniin.

Furitaankii xafladda ayaa fanaaniinta kooxda Heegan ee Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed waxey kusoo bandhigeen suugaan kala duwan oo wadani ah ayadoo sidoo kalena ay goobta heeso wadani ah ka qaadeen fanaaniin ka mid ah fanaaniinta kasoo laabatay qurbaha ee mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho sida fanaaniinta kala ah Fartuun Axmed Sahal (Fartuun Birimo) iyo Raxma Ruuxii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay ugu taaganyihiin gudashada waajibaadkii ay u dhaarteen waxaana uu Madaxweynaha u rajeeyey Xildhibaannada inuu Alle ku guuleeyo howlaha horyaala Kalfadhiga Labaad iyo kalfadhiyada kale ee ka dambeeya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo xafladda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in maalinnimada berri ah uu magaalada Muqdisho ka dhici doono fadhiga koobaad ee Kalfadhiga kaasi oo Xildhibaannada uu ku hor imaandoono Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isagu xildhibaannada ka hor aqrin doona qorshe howleedka Xukuumadda iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay Xukuumaddu jirtay.



Add New Comment