Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Suudaan ee magaalada Khartoum, kaddib markii uu maalinimadii shalay uu madaxweyne Sheekh Shariifka Soomaaliya uu halkaasi booqasho ku tagay.
Labada madaxweyne mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mudane Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa kulankooda iskula soo qaaday xiriirka labada dal ee walaalaha ah, xaaladda amaan ee Soomaaliya iyo waxa ay Suudaan kaga qaybqaadan karto dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ugu horreyn madaxweynaha dalka Suudaan uga mahad celiyey kaalintii walaaltinimo ee ay Suudaan ay ka gashay u gurmashadii dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarihii ku dhuftay dalka, sidoo kale waxa uu Sheekh Shariif ka mahad celiyey gacanta walaaltinimo ee ay Suudaan had iyo jeer u fidiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba.
Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyey aqbalaadda uu aqbalay casumaaddii uu u fidiyey, asagoona ballan qaaday in dalka Suudaan uu qayb weyn ka geli doono howlaha dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Kulanka labada madaxweyne kaddib ayaa waxa saxaafadda la hadlay wasiirka maaliyadda iyo lacagta ee Soomaaliya mudane Cabdinaasir Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha, wuxuuna sheegay in labada madaxweyne ay isku afgarteen dhammaanba qodobbadii ay isla soo qaadeen.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa maalinimaddi shalay safar gaaban ku tagay dalka Suudaan, kaddib markii uu casumaad ka helay madaxweynaha Suudaan mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.