Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Gaaray Baydhabo

Wafdi ka socda dawladda oo uu huggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiinta gobolka iyo qaybaha bulshada ee magaaladaasi.

Guddoomiyaha baarlamanka oo hoggaaminaya wafdi ka kooban xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa maanta gaaray magaalada Beydhabo iyadoo halkaasi ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowladda iyo qeybaha bulshada ee ku sugan magaaladaasi Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudoomiyaha Baarlamanka mudane Shariif Xasan ayaa si nabadgelyo ah socod dheer oo lug ah ku maray gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo ay hareero socdeen mas’uuliyiinta gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo ku faraxsanaa booqashada guddoomiyaha Baarlamanka uu ku tagay Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa haatan kulamo la leh mas’uuliyiinta dowladda ee kusugan gobolkaasi iyo qeybaha bulshada ee magaaladaasi, waxaana halkaasi loogu sameeyay guddoomiyaha iyo wafdiga la socday soo dhaweyn aad u ballaaran.

Add New Comment