Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaga oo ku sii jeeda xarunta dalka Suudaan ee Khartoum, kaddib markii uu casumaad ka helay madaxweynaha Suudaan mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.
Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaarada ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha dowladda KMG iyo wafdigiisa ayaa inta ay booqashada ku joogaan waddanka Suudaan kulamo la yeelan doona madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan waxyaabaha kusoo kordhay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda Suudaan ay gacan uga geysan lahayd dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasiloonidii Soomaliya.