Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigalayaal weeraray gaari rakaab dilayna qof


 Xoogagga Xarrakatul Shabaab ee degmada Xarardheere ayaa howlgal ay maanta sameeyeen kusoo qabqabtay saddex ruux oo la sheegay inay ahaayeen gacan ku dhiiglayaal xalay weeraray gaari rakaab dilayna mid ka mid ah rakaabkii gaariga.

Gaariga rakaabka ah ee la weeraray ayaa ka yimid degmada Hobyo ee gobolka Mudug wuxuuna ku socday degmada Xarardheere iyadoo qofka dhintay oo rag ahaa la sheegay inay ku dhaceen rasaas ay raggan la qabtay ku fureen gaariga.

"Howlgalka waxaa laga sameeyay nawaaxiga degmada Xarardheere waxaa lagu soo qabqabtay saddex qof oo la sheegay inay ahaayeen burcad xalay weerartay gaari rakaab ah oo kusoo socday degmada, " ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Xarardheere oo saxaafadda la hadlay.

Degmada Xarardheere ayaa ah degmada keliya ee gobolka Mudug ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin kaga sugan yihiin, iyadoo ahayd xarunta ugu weyn ee burcadbadeedda, balse lagula wareegay dagaal laaan sannadkii hore.

Maamulka degmada Xarardheere ee Xarrakatul Shabaab ayaan ka hadlin waxay ka yeelayaan kooxaha burcadda ah ee ay howlgalka kusoo qabteen maanta, iyagoo xusay in howlgalkaas uu ahaa mid guuleystay ayna sii-wadayaan  inta ay ka cirib-tirayaan burcadda jidadka u gala gaadiidka safarka ah.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay burcad ay qabqabteen ugu fuliyay xukunno isugu jira xubno goyn iyo tacsiir, waxaana xukunnadaas riday maxkamado hoostaga Xarrakada oo ku yaalla dhammaan gobollada ay ka taliyaan ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Add New Comment