Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa kulan la qaatay gudiyada Joogta ah ee Baarlamanka Soomaaliya kaas oo uu
kala arinsanayay halka ay marayaan howlaha ay hayaan.
Kulanka uu la qaatay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya prof Jawaari 15
xubnood ee gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka ayaa waxaa looga hadlay sidii ay
gudiyada u bilaabi lahaayeen la xisaabtanka hay’adaha dowladda si ay u dar
dargasho howshii loo igmaday.
Afhayeenka Baarlamanka Jawaari oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa
sheegay in kala fadhiga labaad ee baarlamka uu yahay sidii il gaar ah loogu eegi
lahaa hay’adaha dowladda inta badan howlaha baarlamankane ay qaban donaan
gudiyada joogtada ah.
Sidoo kale guddoonka baarlamanka ayaa tilmaamay in xildhibaanadii tagay
gobollada dalka ay ka keneen warbixino dhab ah taasna ka turjumeyso xaaladaha ka
jira dhowaan la hor geynayo mudaneyaasha baarlamanka.