Yemenia Airways oo billaabaysa duullimaadyadeedii Muqdisho



yemenia001.jpgMadaxda shirkadda duullimaadyada Yemenia Air ayaa shaaca ka qaaday in ay dhowaan magaalada Muqdisho ku tagi doonaan duullimaadyo toos ah, tan iyo markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay sanadkii 1992-kii.

Danjiraha Yemen ee Soomaaliya iyo madax ka tirsan shirkadda oo maanta Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta, gaadiidka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa arrintan ku dhawaaqay.

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid ku saleysan xiriir is dhaafsi si loo dardar galiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Yeman.

Ku-xigeenka madaxa shirkadda Yemenia Air, Xusni Cali Xeydar ayaa warbaahinta u sheegay in kulamadii ay la qaateen madaxda Soomaaliya ay guulo ku soo dhammaadeen.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda duullimaad ku taga shirkadda Turkish Airlines, iyadoo shirkado kale oo caalami ahna ay ballan-qaadeen inay duullimaadyadooda Muqdisho dib u soo celin doonaan.


Add New Comment