Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane Cabdisamad Macallim
Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay safarro shaqo uu
ku tagay wadamo dhowr ah, isaga oo shaaciyay in jaaliyadaha ku nool dalalka
Ingiriiska iyo Canada ay si weyn uga qeybqaadan doonaan dib u dhiska dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in uu siyaabo kala duwan ula kulmay jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi islamrkaasna uu warbixinno ka siiyay
xaaladaha amniga iyo siyaasadda dalka waxa uuna intaasi ku daray in jaaliyadaha
ku nool dalalka Britain iyo Canada ay qoondeenayaan inay lacago farabadan ku
bixiyaan dib u dhiska waddooyinka magaalada Muqdisho, iskuulladka iyo
saldhigyada ciidamada.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo dhanka kale wax laga weydiiyay
maamulgoboleedyada ka abuurmaya gudaha dalka ayaa ugu baaqay dadka doonaya inay
sameeystaan maamullada looga baahanyahay inay waafajiyaan nidaam sharci ah
islamrkaasna ay dowladdu dhiirigelinayso kuna tagaereeyso arrintaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa markii uu ka soo degay
garoonka waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo uu ka mid
ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka iyo dib u
heshiisiinta mudane Xasan Maxamed Xasan dheere, xubnaha ururka haweenka qaranka
Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.