Baasboorka Soomaaliya oo la diiday, sawiiro laga beddelay awgeed



Safaaradaha reer Galbeedka ee ku yaala magaalada Nairobi ayaa iska  diiday in ay Vise ama dal kugal saaraan Passportka Soomaaliya cusub oo mudo dheer uu ku jiray jahwareer aqoonsigiisa.

Dalal yar oo uu jiro Talyaaniga ayaa dhawaan ogolaaday inay Vise saaraan Baasaboorka Soomaaliya kadib markii baarlamanka dalkaasi uu ansixiyay aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga isagana maalmahan waa joojiyay inuu fiiso saaro sababta keentay  aqoonsiga in lagala noqday waa isbedel laga helay Baasaboorka gudahiisa sawirrada ku dabacan, bilowga hore ee Baasaboorka waxa uu kusoo baxay  Caalamadii  sawir  Baciid , muddo kaddib waxaa lasoo daabacay Baasaboor sawirkii Baciidka waxaa lagu beddelay sawir Geel  iyadoo aan loo sheegin adduunka...


 
Baasaboorka la aqoonsanyahay

Labada Baasaboor ayaa iskumid ah xaga balaca iyo midabka waxaa kii hore uu ku lahaa marka lafuro bogga hore calaamad u eg geesaha Baciidka oo dhinaca midig kaga yaala, garbadka ama jildiga Baasaboorka gudaha wax calaamad ah  kuma lahayn.
Kan cusub halkii geesaha Baciidka  ayaa qoor Geel lagu badalay, boga gudaha ee jildigana waxaa lagu sawiray qariiradii Soomaaliya. Waana isbadalkaas waxa lagu diiday Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Add New Comment