Ciidamo Ka tirsan Dowladda Oo Tabar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Munaasabada ballaaran oo tababar loogu soo xerayay ciidamo ka tirsan dowladda oo lagu tababaray dalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadan oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimaya isla markaana ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, fannaaniin, madaxda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socotay ciidamada Amisom iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay goobta ay munaasabada ka socotay ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ka fogaadaan wax waliba oo dib u dhac u kenikara qaranimada.

sidoo kale fanaaniinta ayaa goobta ay ka socotay xaflada ku soo bandhigay Riwaayaddo iyo Heeso ka tarjumaya ahmiyada ay leeyihiin ciidamada.


Add New Comment