Madaxweyne Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa manta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu uga soo qeyb galay kulan diirada lagu saarayay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle Cismaan “Adan Cadde” ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Dr.C/weli Maxamed Cali “Gaas”, Wasiirro, Xildhibaanno iyo dadweyne farabadan.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo garoonka diyaaradaha kula hadlay bahda saxaafada ayaaa uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kullankii uu magaalada Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi, isagoo sheegay in ay kawada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka Labada dal, arinta ku saabsan taageerada ciidamada Ethiopia ay siiyaan ciidamada Dowladda ee howlgallada ka wada gobollada kala duwan ee dalka.

Safarka madaxweynaha uu ku tagay dalkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxweynuhu casuumaad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Ethiopia Meles Zenaawi.


Add New Comment