Madaxweyne Shariif oo maanta kormeero ku tagay qeybo ka mid ah Xeyndaabka Muqdisho+Sawiro


Waxaa Madaxweynaha ku wehliyey kormeerkiisa Wasiirka Arimaha Gudaha Wasiirka Caafimaadka Wasirul Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandiga.

Saldhiga Ciidamada Daraawishta ee Sarandi ayuu Madaxweynaha salaan kaga qaatay ciidamada Daraawishta , waxaana halkaas ku soo dhaweeyey taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed .Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa halkaas lagu tusiyay gaarigii isku qarxiyey banaanka xeraadaas bishii la soo Dhaafay.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa sidoo kale kormeeray Isbitaal Martini qeybihiisa kala duwan halkaas oo ay warbixin ku siisay Agaasimaha Isbitaalkaas Dr: Caasho Cumar Axmed. Madaxweynaha ayaa mid mid u salaamay bukaano jiifay isbitaalka, kana balanqaaday in ay Dowlada shacaabkeeda Soomaaliyeed daaweeyneyso.

Madaxweynaha ayaa salaamay naafadi dagaalkii 77 isaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii wadaan oo ay maskaxdooda ku kaalmeeyaan dalkooda.

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa uu booqday Saldhiga Ciidamada AMISOM halkaasna waxaa u salaan kaga qaatay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dalka Soomaaliya.


Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada




Add New Comment