Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu
hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada
Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo barqanimadii maanta ka duulay garoonka Aadan
Cadde ee Muqdisho ayaa ka degay garoonka caalamiga ah ee magaalada Addis
Ababa.
Booqashada wafdiga Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ka dambeeysay kadib
casuumaad rasmi ah uu ka helay R/wasaaraha Itoobiya Milas Zenawi.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliy C/raxiin Cabdi Abiikar oo la hadlay
warbaahinta markii uu wafdiga Madaxweynaha ka ambabaxay dalka ayaa xaqiijiyay in
Madaxweynaha uu kala hadli doono mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya arrimo ay ka
mid yihiin amniga, siyaasadda iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorsheyaasha ay
ciidamada Amisom kadamacsanyihiin gobollada laga saaray Al-qaacidda oo ay
howlgalladooda ka qeybqaateen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa qadan doonta muddo hal
maalin ah iyadoo dowladda Itoobiya ay ka mid tahay dowladaha deriska ah ee ka
caawiyay ciidamada dowladda sidii gobolladda dalka qaarkood looga ciribtiri
lahaa maleeshiyaadka kooxda Al-qaacidda.