Gudiga Amniga Qaranka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga
hadleen xaaladda amni ee dalka, iyagoo soo saaray go’aano arrinkaasi
quseeya.
Kulankaan ay gudiga amniga Qaranka isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayna ka
soo qayb galeen guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Mudane Shariif Xasan Sheekh
Aadan, R/wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas, xubo ka tirsan gudigaasi oo ay ka mid
yihiin Wasiiro, Taliyayaasha ciidamada xoogga dalka iyo Booliska Soomaaliyeed,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga arrinsaday arrimaha amniga dalka,
waxayna ka soo saareen go’aanadaan.
1. In markale dib loo bilaabo lana dardar geliyo ololahii ku saabsanaa ka
saaridda dadka guryaha dowladda ee ay sharci darrada ku deganyihiin.
2. In duleedka Muqdisho laga hirgeliyo xero weyn oo lagu baxnaaninayo
qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, si halkaasi la isugu
geeyo, islamarkaana ay u sahlanaato in berito dib loogu celin karo goobihii ay
markii hore ka soo barakaceen.
3. In Guddoomiyayaasha Gobollada iyo degmooyinka laga saaray Al-qaacidada
Soomaaliya ay xafiisyada hayaan, muddo sadex bilood ah oo si ku meel gaar ah,
kaddibna la qaban doono doorashooyin xilalkaasi ku saabsan.