Bannaanbax lagu taageerayo Xarakatu Shabaab Al Mujaahidiin oo maanta ka dhacay magaalad Kismaayo


Banaanbax lagu taageerayey dagaallada ay Xarakatu Shabaab Al Mujaahodiin kula jiraan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ka socda qaybo badan oo dalka ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Bannaanbaxaan oo ka dhacay fagaaraha beerta Xoriyadda ayaa waxa ka qayb qaatay boqollaal ruux oo isugu jiray dhallinyaro iyo waayeelba ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubooyinka ee xrakada oo ayagu halkaasi ka hadlay.

Dadkaasi banaanbaxayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin xoogagga Al Shabaab iyo weliba sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Dowladda KMG, AMISOM iyo Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Masuuliyiintii Xarakatu Shabaab ee Jubooyinka ee  isu soo baxaasi ka hadlay Sheekh Abuukar Cali Aadan oo ah gudoomiyaha Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa waxa ay dadweynaha kasoo qeyb galay bannaanbaxa ugu baaqeen inay ka qeyb galaan dagaallada lagula jiro shisheeyaha dalka kusoo duulay  iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda.


Add New Comment