Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul-wasaaraha Dalka Oo Galabta Gaaray Galmudug


Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray deegaannada maamulka Galmudug halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo uu hogaaminayey Madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo iyagu dhoobnaa wadooyinka magaalada islamarkaana wafdiga Ra’isulwasaaraha caleemmo qoyan kusoo dhaweeyey.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid oo saxaafadda la hadlay markii wafdiga Ra’isulwasaaraha loo galbiyey xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka Galmudug ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga sare ee ka socda Xukuumadda Soomaaliya iney deegaannadooda yimaadaan waxaana uu Madaxweynaha Galmudug uu sheegay in shacabka iyo maamulka Galmudug ay had iyo goor garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna ka hadlay goobta ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay isaga iyo wafdigiisa sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen shacabka reer Gaalkacyo waxaana uu Ra’isulwasaaruhu tilmaamay in socdaalkiisa uu ku joogo Galmudug uu qeyb ka yahay safarro ay Xukuumaddu ku tagaysay gobollada dalka islamarkaana ay kulammo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigiisa ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gebagebeeyey socdaal uu ku joogay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal halkaasi oo uu kulammo kulasoo qaatay mas’uuliyiinta maamulka Puntland , waxaana wafdiga Ra’isulwasaaraha ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maalliyadda.

Daawo sawirrada

GMudug.jpg


Add New Comment