Madaxweynaha Soomaaliya oo gobolka Hiiraan u magacaabay guddoomiye cusub

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu magacaabay guddoomiye cusub oo uu yeelan doono Maamulka gobolka Hiiraan.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ku xigeennadiisa iyo xubnaha kale ee maamulka gobolkaasi iyadoona guddoomiye loo magacaabay Cabdifataax Xasan Afrax.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac oo warbaahinta u aqriyay wareegtada  ka soo baxday Madaxweynaha oo ku aadaneyd magacaabista guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa ayaa kula dardaarmay in ay xilalkooda u gutaan si xilkasnimo leh.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay xil iska saarayso sidii loo dardar gelin lahaa howlaha maamullada gobollada dalka, wuxuuna maamulka cusub ee Hiiraan kula dardaarmay in ay ku dadaalaan caddaalada iyo kasbashada dadka.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabooyin lagu horumarinayo gobolka waxaana fariin u diray shacabka reer Hiiraan oo uu sheegay in looga baahan yahay la shaqeynta maamulka cusub.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa sheegtay in ay aqoonsaneen maamulka Ex-Banaadir ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho iyadoo sharci daro ku tilmaantay habka maamulkaasi loo doortay.

Add New Comment