Dagaallo khasaare geystay oo xalay iyo saakay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab

Inta la ogyahay shan qof oo kooxihii dagaalamay k tirsan ayaa ku dhintay dagaallo xalay iyo saakay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo aan la ogeyn tirada dhaawacyada ee labada dhinac kasoo gaaray dagaalladaas.

 

Dagaalka xalay ayaa ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo taliskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ahaa goobo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah, kaddib markii ay xoogagga Xarrakatul Shabaab weerarro ku qaadeen.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay saakay arkeen maydadka afar qof oo ciidamadii dagaalamay ka tirsan, waxaana dagaalka oo socday muddo saacado ah uu ku baahay nawaaxiga goobahaas.

 

Xaaladda isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo xaruntii ciidanka asluubta ayaa saakay daggan, halkaasoo ay maraan gaadiidka ka yimaada deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellda hoose.

 

Dagaal kale oo sababay dhimashada mid ka mid ah ciidamadii dagaalamay ayaa isna saakay ka dhacay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana dagaalkan uu qarxay markii Xarrakatul Shabaab ay weerartay fariisimo ay ciidamada DKMG ah ku leeyihiin xaafaddaas.

 

Xukuumadda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha kasoo kala gaaray. Iyadoo dagaalladan ay imaanayaa xilli ay ciidamada AMISOM shalay duqeyn sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah u geysteen xaafado ka tirsan degmooyinka ay Xarrakatul Shabaab ka taliso.

Add New Comment