Wasiirka arrimaha dibedda dalka Masar Maxamed Kaamel Camar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka soo degay gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wafdiga reer Masar ayaa waxaa gegida diyaaradaha kaga hortagay si diirranna u soo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga mudane Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi, mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda iyo qaar ka mid ah safiirrada dalalka dibedda u fadhiya Soomaaliya.
Wafdiga Masaarida ayaa waxa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia halkaasoo lagu wado inay kula kulmaan madaxsweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda.
Wufuudda heerka caalami ah ayaa bilihii u dambeeyey si joogto isaga daba imanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kuwaasoo oo muujinayey ahmiyadda ay dalalkooda u leedahaya Soomaaliya nabad ah oo mar labaad dib ugu soo laabata saaxadda siyaasadeed ee caalamka.