Allaah ha u naxariistee waxaa subaxnimadii hore ee maanta oo bisha Maarso ay ahayd 10-ka ku geeriyooday magaalada Nairobi ee waddanka Kenya marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan Nuur oo ku magac dheeraa (Dr. Cabdulqaadir Bidaar).
Al Marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta fara ku tiriska ah ee dalka dib ugu laabtay, kaddib markii ay musiibada ku habsatay dalka Soomaaliya sanadihii 90-meeyadii si uu aqoontiisa ugaga faa'ideeyo dadweynaha Soomaaliyeed ee sida aadka ah ula il darnaa cudurrada iyo dhaawacyada kasoo gaarayey dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka jiray.
Al Marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa beryihii u dambeeyey noloshiisa ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu u tagay xanuuno naftiisa kasoo gaaray xaaladihii adkaa ee uu ku soo shaqeeyey, halkaasoo markii dambena loo gartay inaan waxba lagaga qaban karin daaweyntiisa, ayadoona uu dhowaan usoo safri lahaa dalka Talyaaniga oo uu ka geli lahaa cusbitaal ku yaalla halkaasi.
Al marxuum Dr. Cabdulqaadir Ilaah ha u naxariistee wuxuu howlo caafimaad kasoo qabtay gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, wuxuuna sanadihii u dambeeyey la shaqeeynayey cusbitaalka Al-Xayaat ee Muqdisho iyo Buulo ee gobolka Shabeellada Hoose.
Al-Marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Dr. Cabdulqaadir Bidaar) ayaa da'diisu ahayd 54 sano, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo shan Carruur ah (labo wiil iyo saddex gabdhood) oo dhammaantood ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya.
Haddaba annagoo ah bahda SilGor ayaan waxaan tacsi u diraynaa dhammaanba eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan, gaar ahaan xaaskiisii marwo Fahma Sheekh Maxamed, carruurtiisii iyo walaalihiis Xaaji Xasan Maxamed Xasan, xaaskiisa Xaajiyo Cilaamo Cumar Calasoow iyo carruurtooda, Dr. Cabdullaahi Maxamed Xasan, xaaskiisa Khadiijo Sheekh Naaji iyo carruurtooda iyo Xaliima-Sacdiya Maxamed Xasan iyo guud ahaan reer Xaaji Maxamed Xasan Nuur oo ku kala sugan Soomaaliya, Imaaraadka iyo USA, asagana waxaan Allaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo janadii Fardowsa - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.
Ciddii dooneysa inay dhambaal tacsiyadeed u soo dirto qoyskii Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan waxay farriimahooda kusoo hagaajin karaan
[email protected] wa billaahi towfiiq.