Ciidammo hor leh oo Ethiopian ah, watana gaadiid dagaal oo fara badan ayaa shalay soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay horey ugu sii sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Ciidamadan Ethiopianka ah ee haatan ku sugan gudaha degmada Luuq ayaa markii hore xadka Soomaaliya kasoo galay degmada Doolow ee isla gobolkaasi Gedo.
Ciidamada is-baheysanaya ee Soomaalida iyo Ethiopianka isuga jira ayaa lagu wadaa inay gobolkaasi Gedo ka billaabi doonaan howlgallo ciidan oo ay ku doonayaan inay gobolka Gedo kaga saaraan xoogagga Xarakatul Shabaab ee gacanta ku haaya degmooyinka Baar Dheere iyo Buur Dhuubo oo labaduba ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo.
Xarakatul Shabaab ayaa ayaguna dhankooda billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay isugu diyaarinayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kasta oo kaga yimaada dhanka ciidamadan soo buux-dhaafiyey degmada Luuq.
Lama oga inta ay la eg tahay tirada ciidamada Ethiopianka ah, hase ahaatee sida ay sheegayaan wararka ka imanaya degmada Luuq ayaa ah in ay yihiin tiradii ugu badneyd ee ciidamo Ethiopian ah oo soo gaarta degmada Luuq.
Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ay soo galeen degmada Luuq ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli bilihii ugu dambeeyey ay ciidamo fara badan oo ka kala socda dalalka Soomaaliya deriska la ah iyo ku AMISOM oo gacan siinaya ciidamada Dowladda KMG ay isku fidinayeen goballo badan oo ay horey u maamuli jireen xoogagga Xarakatul Shabaab ee ka dagaallama gudaha dalka.
.