Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in ay lacag gaaraayo ilaa 30
milyan oo doollar ku bixin doonto warar ah ee la xiriira halka ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareeysa ururka Xarakada Al-Shabaab.
Warar laga soo xigtay wakaaladda Reuters ayaa lagu sheegay in sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka uu sheegay in dowladda Mareykanka ay markii ugu horreysay go'aansatay in lacag lagu bixiyo wararka ku saabsan madaxda Al-Shabaab.
Mas'uuliyiinta Al-Shabaaba ee sida gaarka ah loo tilmaamay ayaa waxa ay kala yihiin :-
1 - Axmed Cabdi Aw-Maxamuud
2 - Ibraahim Xaaji Jaamac
3 - Fu'aad Maxamed Khalaf
4 - Mukhtaar Roobow
5 - Bashiir Maxamed Maxamuud
6 - Zakariya Ismaaciil Axmed
7 - Cabdullaahi Yare.
Dowladda Mareykanka ayaa lacag dul dhigta madaxyada dadka ay ku tuhunto inay qatar ku yihiin amaankeeda iyo danaha ay dowladdaasi ku leedahay dalalka caalamka ee ay saaxibbada yihiin, sidoo kalena qaabkan horey ugu soo qabqabatay ama ku dishay hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsanaa ururka Al-Qaacida.