Shir ay maanta yeesheen Golaha
Wasiiradda oo uu shirguddoominayey Ku-simaha ra’iisul-wasaaraha
Soomaaliya Ahna wasiirka ganacsigga iyo warshadaha Cabdiwahaab Ugaas
Xuseen ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga,
dastuurka, iyo howlgalada Ciidamada Xoogga Dalka.
Ugu horeyntii
wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka bixiyay
guulaha ay gobollada ka gaareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo
Kuwa AMISOM islamarkaana tilmaamay in waqti dhow ay ciidamada gacanta ku
dhigi doonaan Magaalada Kismaayo.
Wuxuuna wasiirku intaa ku
daray in degmada Afgooye laga furay Maxkamada Ciidanka islamarkaana lagu
maxkamadeyn doono cidii Shacabka dambi ka gasha, sidoo kalena sheegay
in mar dhow mushaaraadka ciidanka la heli doono islamarkaana ilaa 600 oo
askari la Soo tababarayo.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha
gudaha iyo amniga qaranka ayaa asagana sheegay in dhammaanba goobihii
laga saaray xoogaggii Al-Shabaab dhowaan la wada geyn doono ciidamo
boolis ah oo sugi doona ammaanka.
Waxaana
sidoo kale Golaha warbixin siiyay wasiiru-dowlaha dastuurka, Howlaha ku
saabsan dastuurka dalka iyo meesha ay mareyso, wuxuuna Golaha u sheegay
in Odoyaasha Dhaqanka ay si wanaagsan Howlahooda u socdaan islamarkaana
ay ku howlan yihiin soo xulista ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka.
Ugu dambeyntii shirka golaha wasiirada ayaa waxa lagu go'aamiyey la
ilaaliyo hantida qaranka oo aan lagu xadgudbin, wuxuuna goluhu ammaan u
soo jeediyey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga
Afrika ee AMISOM guulihii ugu dambeeyey ee ay ka gaareen dagaallada ay
kula jiraan xoogagga Al-Shabaab.